Sheekh Mohamed Sh. Omer Dirir | Hoyga Barashada Diinta Islaamka

About us

Hadafka Guud ee shabakada 

Ujeedadeenu waxa  weeye raali-galinta iyo u hogaansanaanta ALLE (swt), markasta waxaanu ku dadaalaynaa inaanu qaadano dariiqa sunnada NABI MUXAMED  (SCW) iyo ku dayashada asxaabti NABIGA iyo salafkii ummada iyo dadkii wanaagsnaa ee saalixiinta ahaa.


Shabakadan SHEEKH DIRIR waxay  himiladeedu   guud tahay inay ilaaliso oo ay xafido dhaxalka cilmiyeed ee SH.MAXAMED SH. CUMAR DIRIR  uu leeyahay . anagoo u soo gudbinayna  dadwaynaha  iyo dhagaystayaasha sharafta badan  cilmga sheekha , cilmigaas oo muhiim u ah dhallinyarada baranaysa diinta islaamka iyo  dadwaynaha jecel in ay diintooda si buuxda ay u fahmaan.


Cilmigaas oo ka kooban  qaybo badan, waxaa ka mid ah :-
1- Tafsiirka Qur'aanka kariimka oo dhan .
2- Su'aalo iyo jawaabo
3- Muxaadaro
4- Dhagaysiga Qur'aanka kariimka
5- Muxaadiro daawasho  ah .
6- Warar ku saabsan xaga diinta iyo tacliinta islaamka .

Intaa waxa dheer oo ajandahayaga ku jira in aan ku soo darno
Kitaab yada iyo  duruusta  uu SH.DIRIR  duubay sida:
1- Nuur al-yaqiin
2- Cumdat al-axkaam
3- Al jazariyah

Run ahaan tii waxaan rajaynaynaa in aad si buuxda aad uga faa'idaysan doontaa shabakada SH.MAXAMED SH. CUMAR DIRIR .
Waxan idinka codsanayna wixii dardaaran , talo , aragti , iyo wixii faa'ido leh oo horumarinaya shabakada inaad noo soo gudbisaan.

Waxaan idiin rajaynaynaa ka faa'idaysi wacan iyo inaad shabakada dadka kale aad ku soo xidhan oo aad la socod siisaan si iyaguna ay uga faa'idaystaan.

 

 

 

 

 
You are here: Home About us